
Hargeysa, March 23, 2022: Xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ayaa kulan labo maalmood ah u qabtay meelmarinta Nuqulka Korjoogtaynta ee Golaha Wakiilada .
Korjoogtayntu waa la xisaabtanka xukuumadda iyo hubinta fulint siyaasadaha si waafaqsan shuruucda, xeerarka iyo miisaaniyadda ay ansixiyeen Golaha wakiiladu.
Korjoogtayntu waa waajibaad dastuuriya oo ay leeyihiin Golaha Wakiiladu, waxa ay kula xisaabtamaan dawladda sida ay u maamusho lacagta cashuur-bixiyeyaasha, waxa ay tani qayb katahay sixitaanka iyo toosinta xukuumadda si loo horumariyo adeeg-bixinta dawladda.
Kulan Hawleedkan labada maalmood ah ee Isla-waafiqidda Nuqulkan Korjoogtaynta waxa firkirkooda iyo aragtidooda ka dhiibanaya shaqaalaha fulinta ee Golaha Wakiiladda, kadibbna waxa la soo saaridoonaa nuqul tafatiran.
===============================================================================================================
Hargeisa, March 23, 2022: The PFM Coordination Unit has organized a two-day validation workshop on the oversight Manual for the House of Representatives.
oversight entails holding the executive to account and ensuring that policies are implemented in conformity with legislation and budgets enacted by the House. oversight is a constitutional obligation and role of the House of Representatives that keeps the government accountable for how taxpayers’ money is spent by discovering waste within government and public agencies and improving government efficiency, economy, and effectiveness.
The two-day workshop aims at getting feedback and advice from parliamentary executive staff, from their various perspectives regarding the manual. Their feedback and suggestions will be incorporated into the final version of the Oversight Manual