
Hargeysa, Feb, 07 2022: Xafiiska Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee dawladda ayaa si wadajir ah u soo agaasimay kulan lagu meelmarinayo Siyaasadda Kaydinta iyo Tirtiridda Raad-reebka Xogaha Maaliyadeed ee dawladda.
Siyaasaddan waxa looga golleeyahay in ay ka kaabto Xaafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladda samaynta habraacyo iyo hagayaal dawladda ka caawiya falkinta nidaamyo la isku hallaynkaro oo sahla kaydinta raad-reebka iyo tirtiridda xogaha maaliyadeed ee dawladda.
Siyaasadani waxa ay ku lugleedahay kaydinta iyo tirtiridda dukumentiyada iyo diiwaanada qiimaha leh ee uu abuuro amma loo soo diro Xafiiska Xisaabiyaha Guud, iyada oo la deegssanayo hannaanka maamulka xogaha maaliyadda (SLFMIS) amma hab macaamil xisaabeed oo kale.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladdu waxa uu hiigsanayaa hirgelinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka qoondaynta, maamulka iyo tasarrufka maaliyadda dawladda.
===============================================================================================================
Hargeisa, Feb, 2022: The PFM Coordination Unit in partnership in partnership with the Office of the Accountant General has organized a validation workshop on Records Retention and Destruction Policy. The policy aims to assist the Office of the Accountant General in issuing regulations that provide guidance to the Government of Somaliland in designing systems and procedures to ensure that accurate and reliable records are created, maintained and destroyed after the expiration of the retention period.
This policy applies to the management of all documents and records, in all technical or physical formats or media, created or received by the Office of the Accountant. General via SLFMIS or any other means during any official transactions and business activities.
The PFM strives to achieve the highest possible efficiency, transparency, and accountability in the allocation, management, and use of public finances, to meet the National Development Plan priorities and those of vision 2030