
Hargeysa, December 28, 2021: Xafiiksa Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee ayaa soo qaban-qaabisay shirka Kooxda WadashaqayntaTiirka 3aad ee Barnaamijka dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda, December 28 2021
Tiirka 3 aad ee Maamulka Maaliyadda Dawladda waxa lagu gorfeeyaa dardargelinta Maamulka iyo War-bixinaha Maaliyadeed, ilaalinta mabaa’dii’da isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maamulka maaliyadda dawladda.Waa fagaare ay ku kulmaan bah-wadaagta tiirka 3aad ee Maamulka Maaliyadda Dawladdu, waxaana lagu lafoguraa qorsheyaasha horusocodka hawlaha qorsheysan, waxaana lagu kalaqaataa war-bixino iyo talooyin.
Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Mudane Axmed Daa’uud Geeddi ayaa guddoomiyeyshirkan, waxaana ka soo qaybgalay bah-wadaagta wadashaqeeya Tiiraka 3aad ee Barnaamijka Maamulka Maaliyadda Dawladda.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladdu waxa uu hiigsanayaa hirgelinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka qoondaynta, maamulka iyo tasarrufka maaliyadda dawladda.
===================================================================================================================
The PFM Coordination Unit has conducted Pillar 3 Technical Working Group Meeting, on December 28, 2021,
Pillar 3 aims improving Financial Management and Reporting reinforces transparency and accountability in the management of public funds.
Pillar-3 Working Group is a platform for Stakeholders to review progress against plans, improve information sharing, and increase coordination. The Meeting was chaired by Ahmed Dauud Geeddi, Accountant General of the state and attended by relevant stakeholders.
The PFM strives to achieve the highest possible efficiency, transparency, and accountability in the allocation, management, and use of public finances to meet the National Development Plan priorities and stimulate economic growth