
Hargeysa, September 7, 2021: Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley Wefdi ka socday Baanka Adduunka oo ay hoggminaysay Kristina Svensson oo ah masu’uul sare oo kartirsan Baanka Adduunka
Kulankan oo ka qabsoomajky Xarunta Wasaasaradda Horumarinta Maaliyadda waxa ka soo qaybgalay madaxda iyo hawl-wadeenada mashaariicda horumarineed ee uu maalgeliyo Baanka Adduunku kuwaas oo ay fuliso dowladda Somaliland. Maashriicdan oo kala ah; Mashruuca Dib-u- habaynta Maamulka Maaliyadda dowladda(PFM) oo ay fuliso Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Mashruuca Tamarta (Somaliland Electricity Access) oo ay fuliso Wasaaradda Tarmarta iyo Macdanta , Mashruuca Tayeyta Shaqaalaha Dowladda (Civil Service Capacity Strengthening project) oo ay fulinayso Hay’adda Shaqaalaha Dowladda.
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali shire ayaa Mas’uuliyiinta Baanka Aduunka war-bixin kasiiyey habsami-usocdka hawlaha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dowladda iyo guud ahaa hannaanka dhaqaalaha dalka. Wasiirku waxa uu uga mahadceliyey Baanka Adduunka taageerada joogtada ah iyo wadashaqaynta dhow ee Baanku laleeyahay Somaliland.
Ugu dambayntii weftiga Baanka Adduunku waxa ay warbixino ku saabsan habsami-usocodka mashaariicda Baanku maalgeliyo ka dhegeysteen hawl-wadeenada iyo mas’uuliyiinta maamula mashaariicdan.
Baanka Adduunku waxa uu Somaliland ka taageeraa maalgelinta maashriic horumarineed oo ay fuliyaan qaar kamid ah hay’adaha dowladdu.