
Hargeysa, August 02, 2021: Xafiiska Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda ayaa soo agaasimay shirka billaha ah ee Tiirka 3aad, August 02, 2021.
Tiirka 3 aad ee Maamulka Maaliyadda Dowladda waxa looga danleeyahay hagaajinta Maamulka iyo War-bixinaha Maaliyadeed, ilaalinta mabaa’dii’da isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maamulka maaliyadda dowladda.
Shirkani waa fagaare ay ku kulmaan bah-wadaagta tiirka 3aad ee Maamulka Maaliyadda Dawladdu, waxaana lagu gorfeeyaa horusocdka hawlaha qorsheysan, waxaana lagu kala qaataa war-bixino iyo talooyin.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda waxa uu hiigsanayaa hirgelinta heerka ugu sarreeya ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka qoondaynta, maamulka iyo tasarrufka maaliyadda dowladda
====================================================================================================
The PFM Coordination Unit convened Pillar 3 Technical Working Group Meeting in the Accountant General Office on August 02, 2021.
Pillar 3 aims to improve financial management and reporting while retaining transparency and accountability in public resource management.
This Working Group Meeting provides a forum for stakeholders to evaluate progress against plans, share information, and coordinate actions.
The PFM strives for maximum efficiency, openness, and accountability in the allocation, management, and use of public funds in order to meet the priorities of the National Development Plan II and accelerate economic growth.