
Hargeysa, August 07, 2021: Xafiiska Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda ayaa soo agaasimay xafladda daah-furka Kooras heer caalami ah oo lagu qaadandoona shahaadada “Diploma” kaas oo lagu barandoono Maamulka Maaliyadda dowladda. Kooraskani waxa uu qayb-kayahay mashruuca Waxbarashada iyo Tabobarka oo ka farcama Barnaamijka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda dowladda.
300 oo arday ayaa laga xushay 900 oo codsade oo isugujiray shaqaale dowladeed iyo muwaadiniin madaxbannaan.
Ardaydu waxa ay faham iyo aqoon buuxda u yeelandooonaan aasaaska Maamulka Maaliyadda Dowladda oo ay kamidtahay; diyaarinta miisaaniyadda, fulinta miisaaniyadda, xisaabinta iyo diyaarinta warbixinaha, taas oo gundhig u noqodoonta shaqada maalinlaha ah.
Xafladda daah-furka waxa kasoo qaygalay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cabdi Gurxan. Madaxda Wasaaradda Horumaritna Maaliyaddu waxa ay kula dardaarmeen ardayda la xushay in xirfadda ay kabartaan kooraskan ay noloshooda ku dabbaqaan ugana faa’iideeyaan dalka iyo dadka.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda waxa uu hiigsanayaa hirgelinta heerka ugu sarreeya ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka qoondaynta, maamulka iyo tasarrufka maaliyadda dowladda.
=================================================================================================================
On August 07, 2021, the PFM Coordination Unit has organized a launching event for the International Diploma Level Course on Governmental Finance Management, as part of the PFM Education and Training Program.
300 potential students from both the public and private sector have been shortlisted and registered for this online course out of 900 applicants.
Students will get a solid understanding of the foundations of PFM, including budgeting, budget execution, accounting, and reporting, which will serve as a foundation for day-to-day work.
In his remarks, the Minister of Finance Development Dr. Saad Ali Shire has encouraged the potential course participants to apply the skills gained from this course in their day-to-day routine and to contribute to their communities and the nation as a whole.
The PFM strives for maximum efficiency, openness, and accountability in the allocation, management, and use of public funds in order to meet the priorities of the National Development Plan II and accelerate economic growth