
Hargeysa, August 23, 2021: Xafiiska Xidhiidhinta Barnaamijka Dib u habaynta Maamulka Maaliadda Dowladda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda oo is-garabsanaya ayaa kulan tabobar ah u qabtay shaqaalaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud.
Tabobarkan oo ku saabsan hirgelinta Khasnadda Mideysan ee Dowladda waxa looga golleeyhahay in shaqaaluhu fahmaan habraaca farsamo ee loo marayo mideynta xisaabaha kala duwan ee dowladd uga furan bangiyada dalka, si loo hirgeliyo hal kooto xisaabeed oo keliya oo dowladdu leedahay.
Ujeedddu waa in la nidaamiyo hab-xisaabeedka dowladda si ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guudba ugu sahlanaato in ay lasocdaan islamarkaan korjoogteeyaan maamulka lacagta naqadka ah ee dowladda.
Khasnaddda Mideysan ee dowladda waxa looga golleeyahay in lacagta naqadka ah ee dowladdu hal kooto-xisaabeed oo dhexe lagu kaydiyo, si loo gaadho daahfurnaan iyo isla xisaabtan dakhli, lacagta naqadka ahna looga faa’iidaysto maalgelinta baahiyaha mudnaanta u leh qaranka, loona maamumulo si wax-ku ool ah
Qaybta labaad ee tabobarkan waxa diiradda lagu saaray xirfadaha hoggaaminta, xallinta caqabadaha iyo maareynta wakhtiga.
==================================================================================================================
The PFM Coordination Unit, in partnership with the Office of the Accountant General, held a Treasury Single Account training workshop for key staff from the Office of the Accountant General on August 23, 2021.
The Treasury Single Account (TSA) concept involves consolidating all Government of Somaliland bank accounts into a single account or a group of linked accounts for all government payments and receipts.
This aims to harmonize Government banking arrangements so that relevant government stakeholders including the Ministry of Finance (MoF) and the Office of the Accountant General (OAG) can have complete control over government cash flows across bank accounts.
The TSA is primarily intended to bring all government funds in bank accounts under the Treasury’s effective control and operational purview, in order to establish a centralized, transparent, and accountable revenue management; facilitate effective cash management; ensure cash availability, and allow optimal investment of idle cash.
The second session of the training focused on equipping staff with critical soft skills, such as leadership, problem-solving, and time management.