
Hargeysa, 16, 2021: Xafiiska Xidhiidhinta Barnaamijka Dib u Habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda ayaa soo qaban-qaabiyey kulan wadatashi ah oo u dhexeeya Dan-wadaagta barnaaamijka Waxbarashad iyo Tabo-barka shaqaalaha dowladda oo qayb ka ah Mashruuca Dib u Habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda.
Kulankan waxa looga gol-lahaa sidii dhinacyadu uga wadatashan lahaayeen dardargelinta hannaaka waxbarashada iyo wax-dhigista. Kulankan wax ka soo qaybgalay madaxda wassaradda Horumarinta Maaliyadda oo uu horkacayo Wasiirku Dr. Sacad Cali Shire, wasiir kuxigeenka iyo Agaasimaha Guud oo dhinac ah, Ardayda ka faa’iidaysanaysa Barnaamijka tabobark iyo Waxbarashada oo ka kala tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladd, iyo Jaamacadd Hargeysa oo qayb ka ah cidda fulinaysa Barnnaamijka Tabobarka iyo Waxbarashada.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa wadatashi iyo dardargelinta habraaca wax-dhigist iyo barashada ardayda hadda barata cilmiga xisaabaadka oo ah mid heer caalami ah.
Ujeeddada Barnaamika Tabobarka iyo Waxbarashadu waa in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha dowladda, lana gaadhsiiyo heer caalami ah, si loo helo shaqaale dowladeed oo hanan kara meelmarinta iyo joogtaynta nidaamka dib u habaynta maamulka maaliyadda dowladda.
Ugu dambayntii waxa ay dhinacyadu soo jeediyeen islana qaateen qodobbo ballanqaadyo ah oo ay ku hubinayaan dardargelinta iyo habsami-usocodka barnaamijka Tabobarka iyo Wabarashada, si loo gaadho ujeeddadii laga lahahaa.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladdu waxa uu hiigsanayaa hirgelinta heerka ugu sarreeya ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka qoondaynta, maamulka iyo tasarrufka maaliyadda dowladda
===================================================================================================================
The PFM Coordination Unit convened a consultative meeting between key stakeholders of the PFM Education and Training component on August 16, 2021. Dr. Saad Ali Shire, the Minister of Finance, Deputy Minister of Finance Hon. Muse Ibrahim Yusuf, Director General of the Ministry of Finance Mr. Mohamed Abdi Gurhan, University of Hargeisa representative Mr. Abdirashid, and PFM Education and Training Beneficiary students from key public institutions attended the meeting.
The purpose of the meeting was to assess current teaching and learning arrangements for the CIPFA Diploma and Certificate level students and agree on the way forward
The goal of the PFM Professionalization Training is to improve the skill set of civil servants in major financial management institutions. The course aims to produce skilled PFM practitioners with a variety of applicable financial management abilities who can handle and sustain continuing public finance management reforms.
The parties offered their commitments for improving teaching and learning arrangements at the end of the meeting, and they agreed on a number of action items as the way forward.
The Government of Somaliland, the University of Hargeisa, CIPFA (Chartered Institute of Public Finance and Accountancy, WYG International, and Michael Parry Consulting LLP have collaborated on the PFM Education and Training Programme.
To satisfy the National Development Plan priorities and boost economic growth, the PFM works for the highest possible efficiency, transparency, and accountability in the allocation, management, and use of public funds.