
Xafiiska Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda dowladda(PFM) iyo Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa si wadjir ah u soo agaasimay kulan-hawleed hal maalin ah oo lagu lafo-gurayo doorka iyo waajibaadka ururada bulshada rayidka ahi ay ku leeyihiin baadhista iy dabo-galka maamulka maaliyadda dowladda. Kulankan aya lagu qabtay Huteel Baaraar, April 3, 2021
Ujeedada kulan-hawleedkan ayaa ahaa in la isla famhmo doorka iyo waajibaadka ururada bulshada rayidka ah ee ka qayb-qaadaashada hannaanka hanti-dhawrka iyo isla-xisaabtanka maaliyadda dowladda.
Hanti-dhawrku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa kor u qaadista dowlad wanaagga iyo horumarint barnaamijyada kaabayaash bulshada, iyada oo uu yareeyo musuqa isla markaana uu badhi-taaro isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Hadaba, si ay muwaadiniinta ugu gudbiyaa xogaha maaliyadeed ee dowladda oo ku habboon, ururada bulshada rayidka ahi waxa ay u baahanyihiin in ay fahmaan doorkood ku aaddan siyaasadaha lagu hago waxqabadka dowlad iyo in ay si dhow ula shaqeeyaan Xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka, si loo kobciyo wax-ku-oolnimada hannaanka hanti-dhawrka.
===================================================================================================================
The PFM Reform Coordination Unit in collaboration with the Office of the Auditor General has organized a one-day workshop on the role of Civil Society Organizations in Auditing and Public Finance Management, on April 3, 2021, at Baraar Hotel Hargeisa.
The objective of workshop was to familiarize civil society groups with their roles and responsibilities in the public financial watchdog.
Auditing plays an important role in supporting good governance and the administration of social development programmes by limiting corruption and strengthening the accountability of responsible agencies. To provide information on government performance that is relevant to citizens, the civil society groups require a broader mandate and methodologies that enable them to comment on policies underpinning performance, and to work together with Office of the Auditor General to increase the effectiveness of audit processes.