
Xafiiska Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda (PFM) ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxa uu soo agaasimay shirka billaha ah ee Tiirka 5aad ee Barnaamijka dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda, February 06, 2020.
Tiirka 5aad ee Maamulka Maaliyaddu waxa uu hiigsanayaa kor u qaadista kor-joogtaynta iyo qiimeynta maamulka maaliyadda dawladda, si loo helo daah-furnaan iyo isla xisaabtan.
Shirka Kooxda Wadashaynta Tiirka 5aad waxa bah-wadaag ku ah Xafiiska Hanti-dhawrka Guud, Waaxda Hanti-dhawrka ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Guddidad Isla-xisaabtanka iyo Dabo-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada. Waxa lagu falanqeeyaa shir-hawleedkan hawlaha socda, waxaana lagu kala qaataa warbixino iyo talooyin, si loo hubiyo fulinta hawlaha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dowladda
Shirka waxa guddoomiyey Ku xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Mudane Sacad Cabdillahi Riiraash, waxaana ka soo qaybgalay Daneeyayaasha ka wadashaqeeya Tiiraka 5aad ee Barnaamijka Maamulka Maaliyadda Dawladda.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee “PFM” waxa uu hiigsanayaa hirgelinta heerka ugu sarreeya ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka qoondaynta, maamulka iyo tasarrufka maaliyadda dawladda.
==========================================================================================================
The PFM reform Coordination Unit has organized Pillar 5 Technical Working Group Meeting on, February 06, 2020.
Pillar 5 seeks improving oversight and evaluation of public financial management practices by promoting transparency to achieve accountability in the management of public funds.
Pillar 5 Working Group is a forum for stakeholders to share information, coordinate the implementation of the reform activities and explore creative ways for addressing challenges.
The meeting was chaired by the Deputy Auditor General Mr. Saad Abdillahi Riiraash and attended by representatives from stakeholder institutions and Departments.
The PFM is designed to improve the government’s capacity and systems to utilize public funds, towards meeting the National Development Plan (NDPII) goals and those of Vision 2030