
Waaxda Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda ayaa soo agaasintay Shirka Kooxda Wadashaqaynta Tiirka 2aad ee maamulka maaliyadda, January 27, 2020.
Shirkan waxa bahwadaag ku ah, Waaxda Cashuuraha Berriga iyo Waaxda Kastamada ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Tiirka 2aad maamulka maaliyadda dowlladu wuxu hagaa kor u qaadista Dakhli-ururinta, hagaajinta abaabulka dakhliga gudaha iyo dardar gelinta dib u habaynta qaab-dhismeedka waaxaha dakhliga ee Cashuuraha Berriga iyo kastamada oo lamideyndoono mustaqbalka dhow, iskudarkoodana ay ka yagleelmi-doonto hay’ad guud oo ka shaqaysa maamulka dakhliga dowladda.
Shirkani waa gole ay ku kulmaan bah-wadaagta tiirka 2aad, si loo xoojiyo xog-wadaagga, wadadashaynta iyo is-waafajinta hawlaha shaqo ee socda.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda waxa uu hiigsanayaa hirgelinta heerka ugu sarreeya ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka qoondaynta, maamulka iyo tasarrufka maaliyadda dowladda.
==================================================================================================
The PFM reform Coordination Department has conducted Pillar#2 Technical Working Group Meeting, on January 27, 2020.
The departments of Inland Revenue and Customs are the primary stakeholders of the PFM Pillar#2.
Pillar#2 seeks to increase public revenue collection, enhance domestic resource mobilization and introduce strategic structural adjustments of the Inland and Customs Departments which will merge in the near future to form Somaliland Revenue Authority.
This meeting serves as a coordination mechanism for stakeholders to share information, harmonize activities and address challenges.
The PFM strives to achieve the highest possible efficiency, transparency, and accountability in the allocation, management, and use of public finances to meet the National Development Plan priorities and stimulate economic growth