
Waaxda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda ayaa soo agaasintay Kulan-hawleed labo maalmood ah oo lagu falaqaynayo tayeynta awoodda hay’adaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh maamulka iibka dawladda (Public Procurement) iyo sidoo kale curinta hiigsiga nidaamka maamulka iibka, December 14 -15 2020.
Ujeedada kulan-hawleedkani waa kor u qaadista awoodda maamul ee hay’adaha iyo shaqsiyaadaka ku lugta leh maamulka iibka dowladda, si loo hagaajiyo maamulka maaliyadda qarank, hawl-karnimada shaqaalaha dowladda, loo beekhaamiyo lacagta, korna looqaado adeeg-bixinta dowladda.
Kulan-hawleedkan waxa ka soo qayb galay wakiilo ka kalasocda hay’adaha ku lugta leh maamulka maaliyadda dowladda, sida: Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Guddida Qandaraasyada Qaranka, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud iyo Guddida Maamul Wanaagga.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladdu waxa uu hiigsanayaa hirgelinta heerka ugu sarreeya ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, qoondaynta, maamulka iyo tasarrufka maaliyadda dawladda
====================================================================================================================
The PFM Coordination Department conducts a two-day workshop on strengthening regulatory, organizational and individual capacity and setting up the public procurement system reform goals on December 14 -1 5, 2020
The workshop aims improving institutional and individual capacity in managing the public procurement to better manage public funds, increase professionalism of civil servants, maintain value for money and improve public service delivery.
The workshop was attended by representatives from key financial management institutions, including Ministry of Finance Development, the National Tender Board, Office of the Auditor General and the Good Governance Commission.
The PFM strives to achieve the highest possible efficiency, transparency, and accountability in the allocation, management, and use of public finances to meet the National Development Plan priorities and stimulate economic growth.