
Waaxda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda oo kaashanaysa Xaffiiska Hanti-dhawraha Guud ayaa soo qaban-qaabisay Kulan Hawleed ku saabsan hannaanka baadhista dembiyada musuqa iyo wax-isdabamarinta. Kulan Hawleedkan waxa ka soo qaybgalay 18 hawl-wadeen oo ka kala socday hay’adaha garsoorka oo ay kamidyihiin Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Waaxda Dembi baadhista (CID) Bileyska iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadaha dalka.
Ujeedada Kulan Hawleedkan waa in Xafiiska Hanti-dhawrka iyo hay’adaha garsoorku isla fahmaan habka wadashaqaynta ee baadhista dembiyada musuqa iyo wax isdabamarinta.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda waxa loo qaabeeyey in uu kobciyo awoodda iyo hannaanka Dawladda ee maamulka iyo tasarrufka maaliyadda, si loo gaadho ulajeedada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad iyo hiigsiga 2030.
===============================================================================================================
The PFM Coordination Department in partnership with the Office of the Auditor-General has organized a Three-day Workshop on Investigation of Fraud and irregularity Crimes for 18 participants from key judicial organs including the office of Attorney General, the Police, the Criminal Investigation Department (CID), and judges from local courts, on November 24, 2020, at Ambassador Hotel, Hargeisa.
The workshop aims to establish improved understanding and collaboration of the judicial organs in their investigation and management of fraud and irregularity crimes.
The PFM is designed to improve the government’s capacity and systems to utilize public funds, towards meeting the National Development Plan (NDPII) goals and those of Vision 2030