
Waaxda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa soo qaban-qaabisay kulan hawleed dib u sixid iyo meelmaarin lagu samaynayo nuqulada Af-somaliga ah ee Hagayayaasha iyo siyaasadaha Hannti-dhawrka Gudaha, Nidaamka Maamulka Xogta Maaliyadda (FMIS) iyo Qorshah fulinta Halbeegyada Caalamaiga ah ee Xisaabaadka Dawladda ((IPSAS), November 17, 2020.
Wasiir-xigeenka Maaliyadda Muuse Ibrahim Yusuf ayaa furitaankii kulankan waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in Af-Soomaali lagu tarjumo hagayaasha iyo Siyaasadahan – taas oo uu wasiirku sheegay in ay shaqaalaha dawladda u sahleyso in ay si fudud u fahmaan iyo in ay dareemaan lahaanshiyo.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Guxan ayaa ku dhiirigeliyey ka qaybgalayaasha in ay hubin, sixid iyo iswaafajin ku sameeyaan tarjumaadda erey bixinta Af-somaliga ee hagayaasha iyo siyaasadaha la tarjumay.
Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda waxa loo qaabeeyey in uu kobciyo awoodda iyo hannaanka Dawladda ee maamulka iyo tasarrufka maaliyadda, si loo gaadho ulajeedada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad iyo hiigsiga 2030.
===============================================================================================================
The PFM reform Coordination Department has organized a Validation Workshop on Somali versions of key Internal Audit Manuals, FMIS User Guides and Policies, and implementation Policy for International Public Sector Accounting Standards (IPSAS) cash basis, on November 17, 2020.
In his opening remarks, the Deputy Minister of Finance Development Hon. Muse Ibrahim Yusuf has emphasized the significance of having these manuals and User Guides translated into Somali – which he said does not only give civil servants the simplicity to comprehend and understand the instructions but also a sense of ownership.
Similarly, the Director General of the Ministry of Finance Development Mr. Mohamed Abdi Gurhan has encouraged participants to verify the translation of key terms into Somali in manuals, user guides and policies and to maintain a consistence in the translation of key terminologies.
The PFM is designed to improve the government’s capacity and systems to utilize public funds, towards meeting the National Development Plan (NDPII) goals and those of Vision 2030.